Madax ka socota ururka EASE International Foundation ayaa kulan la yeeshay mas'uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL.

Madax ka socota ururka EASE International Foundation ayaa kulan la yeeshay mas'uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL. 

Ururkan oo fadhigiisu yahay waddanka Ingiriiska isla markaana ka shaqeeya arrimaha bulshada ayaa madaxda Wasaaradda Warfaafinta kala hadlay sidii la isaga kaashan lahaa hawlaha mudnaanta u leh Wasaaradda Warfaafinta.

 Sida:- Tababarada saxaafadda, wacyigelinta bulshada JSL iyo mashaariicda la xidhiidha dhaqanka suubban Islaamka.

Kulankan waxa Wasiirka ku wehelinayay, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda mudane Muuse Askar Guuleed, agaasimaha guud Mudane Cabdisalaan Maxamuud Ducaale (Ilkacase), agaasimaha Waaxda Qorshaynta mudane Jaamac Cawil Nuux iyo madaxa Siyaasadaha iyo Qorshaynta ee Waaxda Qorshaynta mudane Faysal Cabdirashiid Aadan.

Dhanka kale Ururka EASE International Foundation waxaa ka socday:- Zino Khalfaoui, Cabdiraxmaan Yaasiin British, Ali Awil iyo Nasra Guleid.

Gebo-gabadii kulanka ayaa ku soo dhamaaday is af-garad, iyada oo la isla qaatay in laga wada shaqeeyo arrimaha wacyigelinta, dhaqanka iyo tababarka saxafiyiinta JSL.

 
                               Allaa Mahad leh