Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, Mudane Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka socday hay’adda #Expertise_France, oo ka shaqeeya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, Mudane Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka socday hay’adda #Expertise_France, oo ka shaqeeya arrimaha la xidhiidha ilaalinta aasaarta qadiimiga ah iyo dhaqanka.

Kulanka ayaa lagaga wada-hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa wada-shaqaynta labada dhinac ee dhinacyada dhaqanka iyo wacyigelinta. 

Kulanka waxa Wasiirka ku wehliyey Wasiir ku-xigeenka, Agaasimaha Guud, Agaasimaha Qorshaynta, Agaasimaha Dhaqanka iyo Madaxa Siyaasadda iyo Qorshaynta.