Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta #Somaliland Cabdisalaan Maxamuud Ducaale (Ilkacase), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay koox #Suxufiyiin ah oo ka kala socday dal

Agaasimaha Guud ee  Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta #Somaliland Cabdisalaan Maxamuud Ducaale (Ilkacase), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay koox #Suxufiyiin ah oo ka kala socday dalal ku yaalla Waqooyiga, bariga, koonfurta iyo galbeedka #Afrika, kuwaasi oo booqasho ku jooga dalka.

Kooxdan Suxufiyiinta ah oo Huteelka Ali Jirde ee magaalada Hargeysa shir ku qabsaday lagu fallanqeynayo  caqabadaha soo wajaha Saxaafadda xilligan ay warbaahinta dunidu isbeddeshay, ayaa soo booqday xarunta Wasaaradda warfaafinta.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda warfaafinta Cabdisalaan Maxamuud Ducaale (Ilkacase), ayaa Suxufiyiintaas uga mahadceliyay booqashadooda xarunta Wasaaradda.

Agaasimaha guud wuxuu uga xog warramay sida warbaahinta Somaliland ay u tahay mid xor ah oo u madaxbannaan shaqadeeda Saxaafadeed ee ay u hayso bulshada.

Agaasime Cabdisalaan Ilkacase wuxuu sheegay in dastuurka dalka iyo xeerarka kale ee ka farcanaaba ay si buuxda u waajibinayaan madaxbannaanida warbaahinta.

Waxaanu tilmaamay in suxufiyiinta Somaliland ay hawlahooda u qabsadaan iyagoo aan wax cabsi ah ka qabin amnigooda iyo noloshoodaba.

Agaasimaha guud ee wasaradda warfaafintu waxa uu kooxdaas suxufiyiinta ah tafaasiil ka siiyay siday u shaqeeyaan qaybaha kala duwan ee Saxaafadda Qaranku.

Suxufiyiintaas ayaa uga mahadceliyay madaxda wasaaradda sida diirran ee ay u qaabileen.waxaanay sheegeen inay la dhaceen nabadgelyada buuxda ee ka jirta Somaliland.

Suxufiyiintan ayaa kulankaas ka dib, booqday idaacadda Radio Hargeysa oo la aasaasay 1942kii iyo qaybaha kale ee warbaahinta qaranka, halkaasi oo sharraxaad laga siiyay sooyaalkii taariikheed ee warbaahinta qaranka