
Wasiirka Wasaaadda Warfaafinta Mud: Axmedyaasiin Sh. Cali Ayaanle ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxa Xuquuqda Aadamaha ee Hay'ada Qaramada midoobay ee UNTMIS Horena Loo odhan jiray UNSOM Mr. Charles
Wasiirka Wasaaadda Warfaafinta Mud: Axmedyaasiin Sh. Cali Ayaanle ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxa Xuquuqda Aadamaha ee Hay'ada Qaramada midoobay ee UNTMIS Horena Loo odhan jiray UNSOM Mr. Charles Muwunga.kulankan oo ahaa kulan isbarasho ayaa sidoo kale waxa lagaga hadlay arimaha saxaafadda iyo warbaahinta Somaliland.
Wasiirka Wasaaadda Warfaafinta Mud: Axmedyaasiin Sh. Cali Ayaanle ayaa masuulkan ka socday UNta waxa uu sharaxaad ka siiyey doorka Wasaaradda Warfaafinta ee kor u qaadista xirfada saxafiyiinta Somaliland.
Dhanka kale, Charles Muwunga oo uu wehelinayay Daahir Maxamed Daahir oo ah Sarkaal ka socday Xafiiska Siyaasadda ee UNTMIS ayaa ka waramay sida dawladda iyo hay'adaha kale ay uga wada qayb qaadan karaan horumarinta saxaafadda ee dhinaca xirfada Tabinta wararka ku saabsan nabada iyo wada jirka bulshada.