Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo Tacsi u diray Qoyskii Marxuum Axmed Cabdi Nuur
Hargeysa(Solna)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Wacyigelinta ahna Afhayeenka Xukuumadda JSL, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, waxa uu dhambaal tacsi ah u diray qoyskii uu ka baxay Marxuum-Axmed Cabdi Nuur oo Arbacadii shalay ku geeriyooday Magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Wasiirku wuxuu laanta Af Soomaaliga ee BBC-da oo ay wada shaqeyn leeyihiin Wasaaradda ka tacsiyadeeyey Weriyahoodii hore Marxuum Axmed Cabdi Nuur, waxa kaloo uu dhambaal tacsi ah u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuumka oo uu ILAAHAY uga baryey inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoyskiisiina Samir iyo Iimaan ka siiyo.
Weriye Marxuum Axmed Cabdi Nuur ayaa Ingiriiska ugu geeriyooday Xannuunka COVID 19, waxaanu laanta Afsoomaaliga u shaqeynayey muddo 25 sannadood ah.
AAMIIN AAMIIN AAMIIN