Wasiirka Warfaafinta oo sheegay in la qaban doono Shirweynaha Qaran ee Dhaqanka Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta  ahna Afhayeenka Xukuumadda JSL Md. Axmed-yaasiin Sh.Cali Ayaanle, oo ka hadlay shirkii 14aad ee Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayay madaxweynaha JSL Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa warbixin ka siiyay
Golaha Wasiirrada  warbixin waafi ah oo la xidhiidha doorka iyo masuuliyadda Wasaaradda taasi oo ah in ay tahay hay’ad dawli ah oo u adeegta muwaadiniinta Somaliland.

Wasiir Axmed-yaasiin Cali Ayaanle, waxa uu sheegay in warbaahinta Qaranku aanay noqon doonin meel cid laga af-lagaadeeyo, ummaddana lagu kala qaybiyo sidii hore u dhici jirtay.

Wasiirku wuxuu caddeeyay in Warbaahinta Qaranku ay noqon doonto mid tabisa warar dhex-dhexaad ah oo ku sallaysan xaqiiqada isla markaana xambaarsan  danta iyo maslaxadda ummadda JSL iyo wadajirkiisa ummad ahaaneed.

 Wasiirka Warfaafintu waxa uu sheegay in la qaban doono Shirweynaha Qaran ee Dhaqanka Somaliland oo u muddaysan 22 ilaa 23-ka APRIL, kaasi oo ku qabsoomi doona Huteelka Maansoor ee caasimadda Hargeysa.