Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa maanta kulan la qaatay mas'uuliyiinta waaxda wada-xidhiidhka Qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa maanta kulan la qaatay mas'uuliyiinta waaxda wada-xidhiidhka Qaranka.

Kulankan oo ay goob joog ka ahaayeen Agaasimaha Waaxda Wada-xidhiidhka Qaranka Cabdicasiis Maxamed Cali (Maydhax), ku xigeenkiisa Maxamed Muuse Banjiidh iyo madax qaybeedyada waaxdaasi, ayaa layskaga xog waraystay shaqada waaxdu u hayso qaranka, iyada oo ay goobta ku soo bandhiggeen shaqada ay Qaranka u hayaan, habka ay u shaqeeyaan iyo qorsheyaasha sannadkan 2025 u yaalla.