Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta oo soo xidhay Kulan lagu Naaqishayay dejinta qorshe sannadeedka 2021 ee Wasaaradda Warfaafinta

Hargaysa (SOLNA):- Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacy’gelinta Jamhuuriyadda Somaliland C.naasir Cumar Jaamac ayaa soo gabo gabeeyay kullan dib loogu eegayo waxqabadkii  wasaaraddaasi ee 2020 iyo dejinta qorshaha ay ku shaqayn doonto Wasaaradda Warfaafintu sannadkan 2021. Agaasimeyaasha waaxyaha kala duwan ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta ayaa kulankaas ku soo bandhigay waxyaabaha uga hirgalay qorshihii sannadkii 2020 iyo dejinta Qorshaha hawlqabad ee Waax kastaa ku hawlgeli doonto sannadkan 2021-ka. Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil, oo kullankaas ka hadlay ayaa sheegay in Qorshaha cusub ee sannadka 2021 ay Maamul ahaan xooga saari doonaan sidii uu si dhamaystiran ugu fuli lahaa. Waxaa uu agaasimaha Guud ka dalbaday Agaasime Waaxeedyada iyo Madax qaybeedyadu inay Kaalinta kaga beegan ka qaataan sidii uu u guulaysan lahaa Qorshe sannadeedkan 2021. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL Mudane Cabdinaasir Cumar Jaamac oo soo xidhay kulan hawleedkaas labadii cisho ee u danbeeyay ka socday Caasimadda Hargaysa ayaa sharaxaad ka bixiyay caqabadaha ka hor yimi qorshihii hore ee wasaaraddu dajisatay sannadkii 2020, Kaas oo ay ugu weyn tahay Xaaladii Xannuunka Covid-19 Waxaa kale oo Wasiir ku xigeenku iftiiimiyey in Qorshahan cusubi yahay mid uu ku kalsoon yahay inuu keeni doono isbedel dhinacyo badan leh oo lagu samayn doono shaqada wasaaradda warfaafinta. Mudane C.naasir Cumar Jaamac wuxuu intaas ku daray in madaxda sare ee wasaaradda ay ka go’an tahay hirgalinta qorshahaas cusub ee ay wasaaraddu ku shaqayn doont sannadkan 2021.