Mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta JSL Oo Soo KormeerY Qaybaha Kala Duwan Ee Wasaaradda.

Hargeysa (WarfaafintaJSL)- Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) ayaa maanta kormeer ku soo maray qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay wasaaradda warfaafintu.

Waxaana wasiirka kormeerkiisa ku wehelinayey agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil, qaar ka mid ah agaasime waaxeedyada iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda warfaafinta.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) iyo agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Maxamed Yuusuf Ismaaciil, intii ay ku gudo jireen kormeerkooda waxay soo kormeereen dhammaan waaxyaha iyo qaybaha ay ka kooban tahay wasaaraddu, iyaga oo warbixino ka dhageystay agaasime waaxeedyada iyo madax qaybeedyada wasaaradda, oo warbixin ka siiyey waajibaadka ay bulshada iyo qaranka u hayaan.

Waxayna agaasime waaxeedyada wasaaradda warfaafintu wasiirka iyo agaasimaha guud u soo bandhigeen waxqabadkooda shaqo  iyo waxyaabaha u baahan in wax laga qabto si kor loogu qaado hawlaha shaqo ee wasaaradda warfaafintu qaranka uga mas’uulka tahay.

Kormeerka mas’uuliyiinta ugu sareeya wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland ayaa daaranaa sidii loo dardar gelin lahaa hawlaha shaqo ee wasaaradda warfaafinta iyo qorsheyaasha sannadkan u dejisan wasaaraddu in ay ku tallaabsato si loo gaadho hiigsiga iyo himilooyinka wasaaradda warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland.